Qadar iyo Al-Geria oo ka wada hadlay xoojinta Xiriirka Millatari ee Labada dal.

0
19

Dowladaha Qadar iyo AL-Geria ayaa yeeshey kulan ay uga wada hadlayeen Horumarinta iskaashiga dhanka Millatari ee u dhaxeeya labada dal.

Taliyaha Ciidanka Badda ee Ciidamada Qadar Admiral Abdullah Hassan Al-Sulaiti, ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Dowha isaga iyo dhiggiisa Algeria, Adminaar Howli Mohamed Al-Arabi.

Wasaaradda Gaanshaandhiga dalka Qadar ayaa soo saartay Bayaan ay ku sheegtay in kulankaan looga hadlay iskaashiga u dhexeeya ciidamada Badda ee Qadar iyo Ciidamada Badda Algeria si kor loogu qaado xiriirka labada waddan iyo siyaabihii looga wada qayb qaadan lahaa Horumarinta Arimaha Ciidanka .

Kulanka kadib, Taliyaha Ciidamada Badda ee Algeria ayaa booqasho ku tagay Xarumaha  Ciidanka Badda ee Qadar waxaa uuna warbixin ka dhageystay Saraakiisha iyo hoggaamiyaasha ciidanka isagooga dowladda Qadar ku ammaaney Hormarka ay ka gaadhay dhanka Ciidanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here