Wasaarada Caafimaadka Jubbaland oo Tababar u qabatay Shaqaalaha Isbitaalka Kismaayo

0
22

Aqoon isweydaarsigaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda caafimaadka jubbaland  ayaa maanta lagu qabtay Magaalada kismaayo  waxa uu socon doonaa mudo Laba maalin ah.

Aqoon isweydaarsigaan oo looga hadlayay hababka ugu wanaagsan ee lagu dhayi karo dhaawac iyo qalabka casriga ah ee wax lagu baaro laguna daaweeyo dadka bukaanada ah,waxaana ka qeybgalay xubno ka tirsan dhaqaatiirta mareeykanka ah iyo shaqalaha Isbitaalka Kismaayo.

Wasiirka wasaardda cafimaadka jubbaland mursal maxamed khaliif oo faah faahin ka bixiyay ujeedada looga Aqoon koroorsigaan ayaa sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo waayo aragnimada shaqaalaha caafimaadka.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay lataliyaha wasaaradda caafimaadka Jubbaland Dr Axmed Sadiiq oo sheegay in wax badan ay kala faa’iidi doonan kaqayb galayaasha kulanka.

Wasaaradda caafimaadka ayaa bilowday olole sare loogu qaadaayo xirfada iyo aqoonta shaqalaha caafimaadka ee Jubbaland.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here