Xildhibaanno ka soo jeeda Ismaamulka Soomaalida ee dalka kenya oo kulan is Xog wareysi ah la qaatay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta wasaaradaha Jubbaland.

0
22

Xildhibaanno kasocday golaha deegaanka Ismaamulka Wajeer oo kismaayo ku sugnaa Maalmihii lasoo dhaafay ayaa maanta waxaa ay kulan laqaateen qaar ka mid ah Madaxda Waasaradaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Kulan oo ahaa mid si wayn lo soo agaasimey ayaa waxa a lagu qabtay xarunta wasaaradda Arrimaha gudaha Jubbaland,waxaana kulanka shir guddoominayay wasiirka Arimaha gudaha Jubbaland.

Kulanka waxaa goob joog ahaa wasaaradaha  kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ,Ganacsiga iyo Warshadaha,waxbarashadda iyo tacliinta Sare ee Jubbaland.

Ujeedada Kulankaan ayaa ahaa sidii la iskaga kaashan lahaa dhanka Waxbarashada Ganacsiga iyo Amaanka Labada Xudduudood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here