Trump ayaa xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii Guud ee Maraykanka Jeff Session.

0
22

Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa Arbacadii  xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii Guud ee Maraykanka Jeff Session. Talaabadan ayaa xisbiga Dimoqraadigu ay uga digeen inuu ku joojiyo baarista Robert Mulleur oo ah ninka baaraya xiriirka lagayaabo in uu Trump  uu la leeyahay dawladda Ruushka.

Madaxweyne Trump ayaa dhiniciisa, fariin twitter ah oo uu soo diray, ku shaaciyey tagista Sessions, isla markaana u mahad celiyey, isaga oo sheegay in xiliga soo socda la magacaabi doono qof si joogta ah xilka u qabta.

Mr. Session ayaa warqad uu isku casilayey oo uu Trump u diray ku sheegay inuu xilka ka degayo ka dib markii madaxweynuhu ka codsaday, hadalkaas oo u muuqday in lagu khasbay inuu shaqada ka fariisto, taas oo uu horay uu diiday, isaga xitaa aflagaado iyo hoos u dhigid kala kulmi jiray madaxweynaha, ka dib markii uu Sessions shaaciyey in uu ka gaabsanayo in uu dusha kala socda baarista gaarka ee uu wado Robert Muleur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here