QM oo kordhineyso gargaar,ka dalka Yeman

0
15

Qaramada Midoobey ayaa shaacisay qorshe ay ku laba jibbaareyso cunnada gargaarka ah ee ay gaarsiineyso dadka reer Yaman, si looga baaqsado in dad badani ay u dhintaan macaluul.

Hay’adda cunnada Adduunka ee Q.M ee WFP ayaa sheegtay in ay isu diyaarineyso bal in ay isku daydo in ay quudiso 14 milyan oo qof oo ka dhigan qiyaastii kala bar dadka dalkaasi Yaman.

Hadalkan ayaa ku soo beegmayo xilli dagaal xooggan uu ka socdo agagaarka magaalada dekadda ah ee Xudeyda.

Hay’adda Cuntada Aduunka ee WFP ayaa sheegtay in xaalada ka jirta wadanka Yamen oo haatan ah xaalada bani’aadanimo ee ugu xun caalamka, ay kasii dareyso maalinba maalinta ka dambeeyo.

Laanta Qaramada Midoobay ayaa horey waxay gacanta ugu heysay quudinta 7 ilaa 8 milyan oo qof oo Yameniyiin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here