Wasaaradda Caddaaladda Jubbaland oo kulan la qaatay Culimada [Sawirro]

0
24

Kulankaan oo muhiimadiisu ahayd xoojinta wada shaqeynta wasaaradda caddaaladda, garsoorka iyo arrimaha diinta Jubbalabd iyo culima’udiinka ku dhaqan deegaanada Jubbaland ayaa waxaa soo gaban qaabisay wasaaradda caddaaladda Jubbaland.

Kuanka waxaa kasoo qayb galay wasiirka caddaaladda Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar, ku-xigeenkiisa Dr. Aadan Iinshaar Cumar iyo Culima’udiinka magaalada Kismaayo iyo marti sharaf kale.

In ay culimadu diinta u fidiso sida ugu wanaagsan, in la mideeyo xilliga aadaanka iyo tukashada salaadaha iyo in culimada oo isku duuban ay la shaqeeyaan wasaaradda caddaaladda Jubbaland ayaa qayb ka ahyd kulanka.

Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda caddaaladda, garsoorka iyo arrimaha diinta Jubbaland Aadan Iinshaar Cumar ayaa culimada kula dardaarmay in ay bulshada ka wacyigeliyaan ka fogaanshaha ficilada diinta lagu xumaynaayo ee ay caadeysteen kooxaha argagixisada ah.

Wasiirka caddaaladda, garsoorka iyo arrimaha diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar ayaa culimada kula dardaarmay in ay si midaysan ula shaqeeyaan wasaaradda islamarkaana ugu adeegaan bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here