Halkaan waa xaafadda madiinno oo ay daganyihiin dadka dalka dib ugu soo laabtay iyo kuwii hore ugu barakacay gudaha dalka.
xaafadaani oo kutaala dulleedka magaaladda kismaayo ayaa waxa ay lahayd jidad bacaad ah oo ay adagtahay isu socdoka dadka iyo gaadiidka.
waxaana manta waddo loo dhisaayo Xafadani oo gaaraysa ilaa 3km u dhagax dhigay si wadajir ah maamulka gobolka iyo degmadda kismaayo.
wadadaan oo laga dhisaayo jaay ayaa isku xiri doonta ilaa kootoroolka magaalada kismaayo iyo xafadaha maddiino iyo midnimo oo ay daganyihiin Dadkii dalka dib ugu soo laabtay iyo kuwii ku barakacay Gudaha dalka.
Wadadaan ayaa markii Hore adkayd in ay Ku safraan gadiidka maadama wadadaan bacaad ahayd.
faadumo daahir waxa ay ka mid tahay dadka dalka dib ugu soolabatay islaamarkaasimna dagan xaafada madiino waatan iyada oo ka warbixinaysa sida ay ugu faraxsantahay in laga hirgaliyo wadaadani xafada madiino .
Gudoomiye ku xigeenka Barakacayaasha Jubbaland iyo Gudoomiyaha degmadda Kismaayo ayaa tilmaamay in Wadadaani ay tahay muhiim waxaana ay sharaxaad ka bixiyeen wadadaani iyo halka ay gaarsissantahay.
Ugudambayn waxaa goobta hadallo dardaaran ah ka jeediyay guddomiyaha gobolka jubadda hose waxa uuna sheegay in wadaadaani ay Isticmaali-donaan leeyihiin dadka dagan Xafadda Madiinn