Cali Maxamed Geeddi oo u riyaaqay amniga iyo horumarka Jubbaland

0
104

Ra’iisul wasaarahii hore ee Dowladdii KMG ka ahayd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo maal mahii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa telefishinka Jubbaland siiyey waraysi gaar ah oo taabanaaya dhinacyo kala duwan.

Cali Maxamed Geeddi oo faah faahin naga siiyey socdaalkiisii Kismaayo iyo waxa uga hirgalay ayaa bogaadiyey amniga iyo horumarka ay ku talaabsatay Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Mar uu soo hadal qaaday khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada dalka ayuu Cali Maxamed Geeddi ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan xal loogu raadiyo khilaafkaas oo dib u dhac ku keenay geeddi socodka hannaanka Dowladnimo ee dalkeenna.

Cali Maxamed Geeddi oo ahaa Ra’iisul wasaarahii koowaad ee Dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee sanadkii 2004-tii lagu soo dhisay dalka Kenya ayaa hadda u ololeynaaya sidii la isugu soo dhoweyn lahaa Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada oo uu u dhexeeyo khilaaf siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here