Kacdoon ka dhan ah Dhaxal sugaha Sacuudiga oo ka bilowdey gudaha qoyska reer Aala-Sacuud

0
390

Sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee Routeres dad badan oo ka mid ah  Qowska haya talada Boqortooyada Sacuudiga ayaa isku dayay in ay ka hor imaadaan in Maxamed Bin salmaan uu dhaxlo Xukunka Aabihi.

Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Routeres u sheegay in 10 ka mid ah Amiirada Qowska Aala Sacuud ay u olalaynayaan sidii Maxamed Bin Salmaan looga badali lahaa booska dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga.

Kacdoonka ka dhanka ah Bin Salmaan ee uga imaanaya gudaha Ree Aala Sacuud ayaa sabab looga dhigayaa eedeymaha tirada badan ee la xiriira dilkii Jamaal Khansanji iyo cadaadis caalamiga ah ee la saarey Sacuudi Carabiya.

Routeres ayaa intaa ku dartay in haddii kooxdan ay ku guuleystaan olalahooda ka dhanka ah Bin Salmaan aya dhaxal sugaha u sharixi doonaan Axmed Bin Cabdi Casiis balse Boqorka Sacuudiga ayaa arintaasi waxba kala soconin.

Axmed Bin Cabdi Casiis ayaa dalka Sacuudiga ku soo laabtay dalka sacuudiga Bishii hore mar kaas oo ay soo baxeen dacaayadda iyo eedeymaha soo food saartay balse wararka qaar ayaa sheegaya in uu ku yimid damaaanadda Reer Galbeedka.

Wakaaladda Routeres ayaa intaasi ku dartay in Axmed Bin CabdiCasiis uu taageero ka helayo xubnaha Qoyska Aala Sacuud iyo awoodaha  Reer Galbeed oo saamayn wayn ku leh Arimaha Bariga dhexe iyo khaliijkaba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here