Haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga oo laagu afduubtay Kenya

0
181
Kenyan policemen supervise onlookers outside the God's House Of Miracles International Church after a grenade attack in Nairobi April 29, 2012. At least one person was killed and a dozen wounded in a grenade attack at a church in the Kenyan capital on Sunday, the latest in a series of attacks in the east African country since it sent troops into neighbouring Somalia. REUTERS/Thomas Mukoya (KENYA - Tags: CRIME LAW RELIGION)

Kooxo burcad ah oo ku hubeysanaa hubka fudud ayaa rasaas furay kadibna afduubtay haweeneey u dhalatay dalka Talyaaniga kana howlgaleysay Hay’adda gargaarka ka shaqaysa oo ka howlgasha gudaha dalka Kenya.

Rasaas ay fureen kooxaha dableyda ah ayaa waxaa ku dhaawacmay 5 qof oo ay labo ka mid ah yihiin carruur.

Haweeneyda la afduubtay oo da’deedu tahay 23 sano ayaan la ogeyn ilaa hada halka la geeyay iyo kooxaha afduubtay oo aan heybtooda la aqoonsaneyn, waxaana socda howlgallo ay wadaan ciidamada amaanka dalka Kenya.

Saraakiisha Amniga ee Dowladda Kenya weli wax tafaasiil ah kama bixin afduubka iyo xitaa cidda looga shakisan yahay.

Wixii ka dambeeyey sanadkii 2011-kii oo ay Ciidamada Kenya soo galeen gobolada kamid ah Soomaaliya, ma wanaagsanayn amniga Kenya, waxaana dhowr mar weerarro khasaare badan geystay ka fulisay kooxda Al shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here