Mareykanka oo mar kale difaacay xiriirka kala dhexeeyo Boqortooyada Sacudi Carabiya.

0
265

Madaxweynaha dalkaasi Mareykanka Donald Trump ayaa si adag u difaacay xiriirka dalkiisa uu la leeyahay Boqortoyada Sacudi Carabiya iyadoo ay soo baxayaan eedeymo heer caalami ah taas oo soo food saartay Sacuudi Carabiya.

Donald Trump ayaa Tilmaamay in Mareykanku uu Faaido badan ku qabo xiriirka Sacuudi carabiya gaar ahaan Iskaashiga dhaqaalaha iyo Siyaasadda Mareyknaka ee ku aadan Arimaha  Bariga Dhexe.

Sidoo kale madaxweynaha Mareykanka ayaa si cad u sheegay in uu ilaalinayo danaha Mareykanka iyo tan Israel.

Dhanka kale Trump ayaa  qirey in dhaxalsugaha Sacudi Carabiya Amir Maxamed bin Salman inuu xog ogaal ka ahaa dilkii loo geystey Jamal Khashoggi kaas uu Mareykanku aaminsan in uu ahaa dil Argagax leh.

Axadii la soo dhaafay  ayay ahayd markii uu Trump sheegay in uu iska diiday dhagaysiga codad ay ka soo duubeen Turkigu dilkii Khashoggi isagoo ku tilmaamay codad xanuun badan leh.

Ugu dambaytnii mr Trump ayaa Sacuudiga ku ammaanay balaayiinka doollar ee ay ku bixiso la dagaalanka Argagaxisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here