Munaasabad Xil wareejin ah oo lagu qabtay magaalada Kismaayo (Sawiro)

0
444

Munaasabadan oo ahayd mid ay xilalka ku kala wareegayeen Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Maaliyada Jubbaland iyo Wasiirka Cusub ee Wasaarada dhawaan loo magaacabay.

Goobta Xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka 1,aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Jubbaland.

waxaa munaasabada hadal kooban ka jeediyay Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Maaliyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani, isagoona kula dardaarmay Wasiirka cusub islamarkaana ku wareejiyay Ajandaha uu u qorsheysnaa inta uu xilka hayay.

Waxaa isna dhankiisa ka hadlay Munaasabada Wasiirka ku xigeenka cusub ee Wasaarada Maaliyada  Saleebaan Maxamed Maxamuud oo ka dhawaajiyay in uu halkaasi ka sii amba qaadi doono howlaha horyaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here