Wasiirka arimaha gudaha Jubbaland oo maanta hortagay Golaha Baarlamaanka

0
679

Wasiirka wasaaradda arrimha gudaha jubbaland ayaa maant hor tagay mudanayaasha baarlamaanka Jubbaland si uu usoo gudbiyo hindise sharciyeedka dhismaha guddiga madax bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

 wasiirka wasaaradaha arrimaha gudaha jubbaland maxamed warsame darawiish  ayaa laga dhageystay xeerka uu maanta horkeenay baarlamaanka ee ku aadanaa dhismaha guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Wasiirka ayaa ka codsaday in mudanayaasha baarlamaanka jubbaland ay ansixiyaan xeerka maanta guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha.

“mudanayaal waxaan idinka codsanayaa xeerkaan  maanta aan idin horkeenay inaad noo ansixisaan oo aad naga ugolaataan dalabkeena si aan hanaankii doorashada ugu gudubno iyo xubnihii guddiga hadii aad ansixisaan”

Dhanka kale mudanayaasha baarlamaanka wax ay warbixino ka dhageysteena qaar kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Jubbaland oo loo xilsaaray u kuur galidda cabshooyinka shacabka iyo kormeerida habsami shaqooyinka wasaaradaha jubbaland.

Xildhiban shire cabdi maxamed iyo xildhibaan  maxamed Maxamuud col ujoog  oo kamid ahaa gudigii dhawaan ay xildhibaanado uxilsaareen dabagalka habsami usocodka xarumaha dowlada ayaa baarlamaanka hortooda ka soo jeediyay wasaaradaha iyo goobihii kala duwnaa ay booqdeen waxyaabihii ay kala kulmeen

“waxaan kala kulanay wasiirada iyo dhamaan dadkii ka shaqeeynayay wasaaradaha aan booqonay dhamaan heegan beey ahaayeen  wasaaradda  gadiidka waxaan kala hadalanay lacagaha badan ee liisinada waxaan ka codsanay in ay lacagta yareeyaan maadama ay ka cabanayaan shacabka waxaan kale oo wasaaradda gaadiidka aan ka codsanay in la joojiyo  gawaarida isteerin bidixa ah “

Sidaa waxaa yidhi xildhibaan Maxamed Maxamuud col ujoog

 Shir cabdi maxamed oo kamid ah mudanayaashii loo xilsaaray qiimeynta shaqada wasaaradaha ayaa yidhi“wasaaradda howlaha guud iyo guriyeynta waxaan weeydinay xaalladaha dhulka

Lacagaha dhulka lagu soo kordhiyay  cabirka dhulka ee hada la qaado wasaaradda arrimaha waxaan wax ka weeydiyay maxaad kala socotaa jaan gooynta dhulka  dib uwareejinta  dadka ka soo laabaty qaxootiga iyo wax loo qabtay “

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here