Dowlada Talyaaniga oo soo saartay sharci cusub

0
142

Dowlada Talyaaniga ayaa meel marisay Sharci ka dhan ah amaanka iyo muhaajiriinta.

Sharciga oo si weyn loo dhaleeceeyay ayey dowladda uga gol leedahay sidii ay ku soo afjari laheyd sharciga deganaashiyaha labada sanno ah ee ay ku bixin jirtay dhanka bini’aadamnimada,.

Sidoo kale sharcigan waxaa ogolaanayaa inay sharciga caalamiga ah kala laabato dadka loo arko inay khatar ku yihiin bulshada.

Arrintaas ayaa waxaa walaac ka muujisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, taas oo sheegtay in sharcigan cusub uu saameyn xun ku reebi doono dadka magangalyo doonka ah iyo waliba qaxootiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here