Madaxwayne Ku-xigeenka 2-aad ee Jubbaland Soo Xidhay Carwo Bandhigeedkii ganacsi ee ka Socday magaalada Kismaayo

0
257

Magaalada kismaayo ee Xarunta kmg ayaa lagu soo Gabagabeeyey Carwo bandhigeedka ganacsiga oo mudo Sadex maalin ah ka socotay kismaayo.

Madaxwayne Ku Xigeenka 2-aad ee Jubbaland CabdiQadir Xaaji Maxamuud Lugga dheere ,Qaar ka midda Golaha Wasiiradda ,Xildhibaanno iyo dadwayne aad  u fara badan ayaa Ka soo Qayb galay Munaasabadda Xidhitaanka.

 Sadex Maalin ee ay Socotay Carwadda Bandhiga Ganacsiga waxaa shirkadaha Ganacsiga ku Soo Bandhigeen Adeegyo kala duwan ee ay bulshada u Qabtaan.

Madaxwayne Ku Xigeenka 2-aad ee Jubbaland oo  Si Rasmiya u Soo Xidhay Bandhiga carwadda Ganacsi ayaa halkaa kulla hadlay dadkii ka Soo qayb galay Xidhitaanka munaasabadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here