Isbahaysiga uu horkacayo Sacuudigu oo ogalaaday in 50 qof oo ka midda Jab-hadda Xutuyiinta loo qaado dalka Cumman

0
83

Af-hayeen u hadlay Millatariga Xulafada taageerta dowladda Yeman ayaa sheegay in ilaa 50 Malleeshiyo oo dhaawac ah kana mid ah Xutuyiinta Yeman loo qaaday  meel ka baxsan dalka Yeman si halkaasi loogu soo daweeyo.

Arrintaan keentay is dhex galka labada garab ee Yeman ku dagaalamaya ayaa looga golleeyahay in lagu dhiso kalsoonida ka hor wadahadallada ay labada dhinac yeelanayaan.

50 Dagaalyahan  oo dhaawac ah ayaa laga qaadey magaalada Caasimadda ah ee Sanca halkaas oo ay gacanta ku hayaan Xutuyiinta Yeman, waxaana lagu wadaa in maanta la geeyo dalka Cummaan.

Martin Griffiths oo ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen ayaa tillaabadaan codsaday si kalsooni loogu hello shirka Sweden ka dhacaya kaas oo ay ku kulmayaan kooxaha Mucaaradka iyo dowladda Yeman.

Wadahadallada ay Qaramada Midoobay taageerayso ee u dhaxeeya Garabyada ku dagaalamaya dalka Yeman  ayaa lagu wadaa in uu dhaco maalmaha foodda inagu soo haya.

Dagaalka Afarta sano ku dhawaadka ka socda Yemen ayaa waxaa ka dhashay Dhibaatooyin ka dhan ah Bini`aadanimada ah,waxaana ku dhintay kumannaan dad ah, Malaayiin dad ahna waxay qarka u saaran yihiin Macaluul.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here