Hantidhowraha Jubbaland oo helay kalsoonida Baarlamaanka Jubbaland [Sawirro]

0
23

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo maanta yeeshay fadhigii 64-aad ee kalfadhiga 4-aad ayaa ansixiyey Hanti dhowraha guud ee Jubbaland oo uu dhowaan magcaabay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Sidoo kale Xildhibaanadu waxay maanta ka doodeen hindise sharciyeedka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xudduudaha Jubbaland kaas oo ay dhowaan ansixiyeen golaha wasiirada Jubbaland.

Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbalan waxaa soo xaadiray 55 mudane, waxayna cod gacantaag ah ku ansixiyeen Hanti dhowraha guud ee Jubbaland Cabdicasiis Sheekh Dayib.

Cabdicasiis Sheekh Dayib Hanti dhowraha Jubbaland ayaa markii xildhibaanadu ansixiyeen kaddib waxa uu Baarlamaanka ka horjeediyey hadallo u badan mahadcelin, isaga oo ballan qaaday in uu shaqadiisa u gudan doono si wanaagsan.

Bashiir Maxamed Baahale Gudoomiyaha Guddiga Habdhowrka Baarlamaanka Jubbaland oo markii uu soo idlaaday kulanka baarlamaanka la hadlay Jubbaland TV ayaa sharaxaad ka bixiyey fadhiga Baarlamaanka ayaa sheegay in ay sii socon doonto ka doodista hindise sharciyeedka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xudduuddaha Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here