Shirka gollaha amniga oo laba cisho ka socday Kismaayo ayaa soo idlaaday

0
25

Shirkan oo uu furay shalay gellinkii hore Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa ka soo qeyb galay saraakiisha ciidanka xoogga dalika Soomaaliya, kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland iyo saraakiil ka socotay talisyada labaad, seddexad iyo lixaad ee Hawlgalka Nabad ilaalinta AMISOM.

Inta badan shirka waxaa lagu lafa guray oo looga hadlayay hormarka dhanka ammaanka ee sanadkan 2018 laga sameeyay Jubbaland, la dagaalanka kooxda argagixisadda Al-Shabaab iyo si guud xaaladda ammaanka deeganada laga saaray Al-Shabaab ee ay Jubbaland maamusho.

Bilowga sanadka 2019 ayaa la isla meel dhigay in la sameeyo hawlgallo lagu furayo isku socodka gaadiidka iyo dadka degmooyinka Kismaayo  iyo Jammaamme, iyo sidoo kale isku furka wadooyinka degmada Af-Madoow iyo degmadda Kismaayo.

Dhammaan deeganada ka maqan gacanta Jubbaland ayaa la isla meel dhigay in laga saaro Al-Shababa iyadoo ay iskaashanayaan Ciidanka AMISOM kuwa Jubbaland iyo ciidanka xoogga dalka ee ka hawlgala Jubbaland.

La taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweynaha Jubbaland General Cabdi Mahdi ayaa u sheegay Jubbaland Tv in hadda shabaab ay yihiin kuwa tabar daran oo dhexdooda colaadi ka aloosan tahay loona baahan yahay in fursadahaas looga faa’ideysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here