Ciyaartoyda Soomalida ee ka timid Australia oo u dalxiis tegay Goobweyn

0
21

Kooxda Kubbada Cagta ee Soomaalida Australia oo Maalman ku sugnaa Magaalada Kismaaayo ayaa waxa ay u Dalxiis tageen  Deegaanka Goobwayne oo Qiyaastii 13KM u jira Degmada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose,Wakhtiga wuxuu u ahaa mid ay ku qaateen damaashaad Iyo dal barasho inta ay ku sugnaayeen.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kula dhiiro galin iswareysi ah iyo Qado sharaf la qaatay dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Australia

Gudoomiyaha Kooxda Dr Xuseen Haraco oo la Hadlay Jubbaland TV Kadib qado sharaftii loo sameeyay Kooxda ayaa u Mahad celiyay Madaxwaynaha iyo Guud ahaan shacabka Jubbaland  sida wanaagsan ee loosoo Dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Guud ahaan Kooxdan Gaar ahaan qayb kamid ah Kooxdan  oo baaris iyo daawayn caafimaad ka samaynaya meelaha qaar isagoo amaanay doorka qurbajoogta kuna dhiiri galiyay in caruurta wadanka la keeno si ay dalkooda u bartaan.

Kooxdan oo ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo wadanka safar ku maraya ayaa ciyaaro saxiibtinimo la yeelanaya kooxaha kubada cagta Soomaaliya.

Waxaa ay la Ciyaareen Xulka kubada cagta Jubbaland iyo kooxda koban iyadoo ay mari doonan Magaalooyin kale waxaana looga gol leeyahay sidii is dhexgalka qurbaha dadka ka imanaya iyo kuwa wadanka jooga loo xoojin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here