Gudoonka Baarlamanka Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa arrimo badan ka hadlay

0
26

Guddoomiyaha Baaarlamaanka Jubbalnd Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo xarunta golaha Baarlamaanka Jubbaland ku qabtay shir jaraa’id ayaa faahfaahin ka bixiyey howlaha shaqo iyo habraacyada golaha marka ay ku guda jiran howl maalmeedka.

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah u sharaxay fadhigii golaha uu ku meelmariyay Hanti dhowraha guud ee Jubbaland iyo Guddiga doorashooyinka iyo xudduudaha oo Baarlamaanku ku meel mariyey cod aqlabiyad leh.

Guddoomiyaha ayaa xusay ahmiyada ay leedahay ka run sheegista shaqada iyo howlaha golaha marka lagu gudo jiro ka doodis hindise sharciyeed ka yimi Xukuumadda ama wax ku daridda xeerarka iyo sharciyada kale ee Jubbaland.

Mudanayaasha Baaralamaanka ayaa muddo saddex todobaad ah ku guda jiray akhrinta wax ka dhimista iyo wax ku darista xeerka doorashooyinka iyo xudduudaha Jubbaland kasoo ugu dambeyn ay cod buux ay ku ansixiyeen 52 mudane oo kamid ahaa 55 ka mudane ee soo xaadirtay fadhiga.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa awood u leh wax ka badalka Dastuurka marka loo arko in ay munaasab ku tahay, loona baahdo curinta sharciyo cusub iyo habraacyo la xiriira hor tabinta sharuucda, sida uu dhigaayo qodobka 31-aad ee dastuurka Jubbaland.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka Jubbaland Xildhibaan Axmed Ugaas sida uu sharaxayo dooda golaha ayaa ahayd mid loo maray hannaanka ku dhisan dimuqraadiyad iyo aqlabiyadda Baarlamaanka oo keentay in la meel mariyo labadii hindise sharciyeed ee ugu dambeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here