Maamulka Degmadda Kismaayo oo xariga ka jaray wado la sameeyay

0
34

Wadaadan ayaa isku xirta xaafadaha farjano iyo midnimmo oo ah xaafad cusub oo laga hirgaliyay magaalada kismaayo oo dib u dejin loogu sameeye dadka dalka dib ugu soo laabtay iyo kuwii hore ugu barakacay gudaha dalka.

Wadadaan ayaa markii hore ahayd mid burbursan oo ay ku dhib qabeen dadka dagan xaafada midnimo,waxaana dhismaha wadaadani maalgalisay Hey’adda GIZ,waxaana hirgaliyay  dhismaha wadadaani Hey’ada MERCY CorpS.

Masuuliyiinta Hey’adaha GIZ iyo MERCY CorPs ayaa waxaa ay maanta  kuwaeejiyeen dawlada gobolleedka jubbaland,waxaana xariga ka jaray gudoomiyaha degmada kismaayo.

Deeqow Maxamed Hurre Oo ah engineerka dhisay wadadaani kana tirsan MERCY CROP ayaa kawarbixiyay dhismaha wadaadani.

Gudoomiyaha Degmada kismaayo ibraahim maxamed yuusuf timo jilic ayaa uga mahadceliyay dawlada jarmalka iyo dadkeedaba mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan jubbaland .

Gudoomiyaha ayaa shacabka dagan xaafadaha wadadaan ay xiriiriso in ka shaqeyaan badqabkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here