Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa  ka digay faragalinta ay kooxda Villa Soomaaliya ku hayso Baarlamaanka dalka

0
12

Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka oo ka mid ah Xisbiyada dalka ka jira ee uu Hoggaamiyaha u yahay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa war saxaafadeed ka soo saaray kala diridii Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka iyo faragelinta Xukuumadda Soomaalliya ku  wado Baaarlamaanka dalka.

War saxaafadeedka ayaa ugu horeyn lagu sheegay in kala dirista Guddiga Maaliyadda ee uu sameeyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ay aheyd mid sharci darro ah  sida ku cad qodobka 56aad ee xeer hoosaadka, isla markaana Guddoonka Baarlamaanka aanu laheyn awood uu ku kala diri karo Guddiyada Baarlamaanka sida ku cad qodobada 7aad iyo 8aad ee xeer hoosaadka.

Sidoo kale waxaa loogu baaqay Xukuumadda inay ogolaato in lala xisaabtamo kana jawaabto shakiga iyo mad mad madowga ka jira habka ay u maamusho hantida Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here