Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa lagu wada in uu soo gaaro magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Jubbaland

0
11

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabbdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalada Kismaayo xarunta KMG  dowlad goboleedka Jubbaland.

Qaban qaabada soo dhawaynta ayaa ka soconaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaana ujeedka safarka ee wafdigan lagu sheegay dhamaystirka heshiiska dowladda Federalka ah iyo dowlad goboleedyada sidii ay wadahadallo ula yeelan lahaayeen Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan qorshaha lagu xalinayo khilaafka dowladda Federalka  iyo Dowlad Goboleedyada dalka ka Jirra .

 Wafdigaan ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadan doona Madaxda Jubbaland,Waxeyna ka wada hadlo doonaan  dhameynta arrimaha khilaafka iyo dar dar galinta xiriirka labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here