Gudoomiyaha Baarlamanka aqalka sare ee dalka oo Kismaayo soo gaaray

0
30

Gudoomiyaha Baarlamanka aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Kismaayo.

Garoonka diyaaradaha magalada Kismaayo waxaa wafdigan ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo xubno ka socday labada golle ee Jubbaland.

Qeybaha kala duwan ee bulshadda rayidka ku nool Kismaayo ayaa iyagana soo dhaweynta qeyb ka ahaa.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha uu joogo Kismaayo uu gudoomiye Cabdi Xaashi la kulmo madaxda dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Bulshadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here