Jaamacadda Jubba ee magaalada Kismaayo ayaa soo gabagabeysey todobaadka dhaqanka oo sanadkiiba mar la qabto

0
15

 Jaamacada Jubba ee magaalada Kismaayo ayaa Soo gaba-gabaysay Bandhigii hidaha iyo dhaqanka ee jaamacadda ay  Wadday Sadex maalin ee la soo dhaafay.

Ardayda Jaamacadda Jubba ayaa Ku Soo bandhigauy intii uu Socday  bandhiga iyo hidaha iyo dhaqanka Gabayo,Sheekooyin iyo Riwaayado ka Turjumaya hidaha iyo dhaqanka Soomalidda.

 Munaasabadda lagu soo xirayey Bandhiga dhaqanka ayaa waxaa ka soo qayb galay Madax ka socotay Jubalaadand odaayasha dhaqanka,Ururada Bulshada ku dhaqan magaalada Kismayo.

Sheekh Xamdi oo ka mid ahaa Gudiga  loo xil saarey Qiimeynta Bandhiga hidaha iyo dhaqanka Jaamacada Jubba ayaa sheegey in marti-soorka, Hal Abuurka, Suugaanta, iyo Guurka ay ka mid yihiin Tiirarka ugu waaweyn ee uu ku taagan yahay dhaqanka Soomaalida.

Maamulka Jaamacadda Jubba ayaa sanadkiiba mar qabta kulan lagu waynaynaayo dhaqanka iyo Hal-abuurka Soomaalida,isla markaana lagu dhiira galinayo Ardeyda sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen kobcinta iyo fahanka dhaqankooda suuban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here