Kaniisad ay leedahay Yahuuddu ayaa si qarsoodi ah looga dhisey caaasimadda  dalka Imaaraadka ee Dubia

0
22

Talefishinka Al-jazeera ayaa baahiyey isagoo soo xiganaya Kanaalka Labaad ee Israel in Yuhuudda ay si qarsoodi ah Kaniisad uga dhisatay Dubai iyagoona ogolaansho ka haysta maamulka Imaaraadka Carabta, heshiiskaan ayaa dhisnayd muddo Saddex sano ku dhow.

Kanaalka Israel ayaa sheegay in ganacsatada Yahuudda ee ku dhaqan Dubai ay xaqiijiyeen in shaqada Kaniisaddu ay si toos ah u bilaabatay inkastoo Imaaraat-ku uusan xiriir dublumaasiyadeed oo rasmi la lahayn Israel.

Kobac dhanka Tirada ah ayaa laga dareemayaa Jaaliyadda Yahuudda ee sugan Caasimadda Imaaraatka ee Dubia,waxayna tira ahaan gaarayaan ilaa 150 qof,Muuq baahiya Al-jazeera ayaa inta ku daray in ay jiraan meela gaar ah oo ay si qarsoodi ah ugu kulmi jireen ka hor inta aysan soo shaac bixin Kaniisadda Cusub ee ay ka hir galiyeen Dubia.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Yuhuudda ku nool Dubai ay kulamadooda u wadeen si qarsoodi ah laakiin waxay go’aansadeen seddex sano ka hor in ay kiraystaan guri ku yaala xaafad Haadi ee bartamaha Dubia.

Israel ayaa aaminsan in dhismaha Kaniisadda Cusub ay Muujinayso calaamad cusub oo ah isbeddelka xiriirka ka dhaxeeya Israel iyo dalalka muhiimka ah ee Khaliijka, kuwaas sanadihi ugu dambeeyay ay handaad uga imaanaysey dhanka Iran.

Warbaahinta Mareykanka ayaa daabacdey in Ninka lagu magacaabo Eli Epstein oo ah ganacsade Yahuudiyaan ah kuna sugan Mareykanka uu ka caawiyay dhismaha Kaniisaddan, waxaa uuna tilmaamay  in Yuhuuddu ay jareen jid dheer oo la mari la,aa Muddo 30 sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here