Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland oo qabatay kulanka sanadlaha

0
14

Kulanka sanadlaha ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboledka Jubbaland ay La qaadato waaxyaha,Mamuulka Degmada iyo kan gobolka Jubba Hoose ayaa waxaa oo uu shir gudoominyay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudha Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay waxqabadkii sanadka 2018.

Mudadii Kulankan uu Socday ayaa Mas’uuliyiintii Kulanka Ka Soo Qeyb gashay Waxay ay Sharaxeen Waxyabihii u Soo Qabsoomay Sanadkan 2018 iyo Wada Shaqeynta Wanagsan Ee Wasaaradda La Leyihiin

Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland Cabdi Raxmaan Cabdi Axmed ayaa Masuuliyiinta Ku Amaanay Waxqabadkoodii Wanaagsan iyo Sida dhow ay Wasaaradda ula Shaqeyaan,Waxaana Agasimaha Shahaado Sharaf Gudoonsiiyay Qaar ka Mid ah Masuliyiintii Ugu Shaqada Wanagsanaa

CabdiRaxmaan Cabdi Axmed Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa Kulanka Markii uu Soo idlaaday Jubbaland Tv u Sharaxay Muhiida Kulanka Sanad laha isagoona u Mahadceliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ku Xigeenkiisa

“Shirkaan Waa Shirkii Sanad laha ahaa Ee Wasaaradda Arriamaha Gudaha ay Qabato Sanadkan 2018 Wasaaradda Arimaha Gudaha Wax Wanagsan ayey Bulshada u Qabatay Wada Shaqeeyn Wanagsan ayaa Naga Dhaxeyso Hay adaha insha Allah Sanadkan Soo Socda Guul Midan ka Weyn ayaa idin Rajeynayaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here