Madax dhaqameedka ka socda Qoomiyadda Oromadda Ayaa Hargeysa yimid

0
780


wafdi madax dhaqameedka kasocda dalka Itoobiya gaar ahaan qoomiyada Oromada ayaa ka soo degay madaarkaCigaal ee magaaladda Hargeysa.

Madax dhaqameedka, Qoomiyada Oromada Itoobiya waxaa madaarka ku soo dhoweeyey madax dhaqameed reer Somaliland iyo Masuuliyiin kale oo ka Tirsan Somaliland.

Weftigan waxaa hogaaminayey Hogaanka dhaqanka ugu sareeya qawmiyadda Oromada Ethiopia ee loo yaqaan Abbaagadha , Waxaana ku wehelinaya hogaan dhaqameed kale oo ay ka mid yihiin Shamiil Axmed, Jaali Soori, Tashomo iyo Khadar.

Madax dhaqameedka Oromada oo warbaahinta ka hadlay  Ayaa ujeedadda socdaalka ku sheegay in ay doonayaan is dhexgalka labada bulsho ee Oromada iyo Somalida ,iyo Sidii loo adkayn lahaa Xidhiidhka labada Bulsho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here