Deegaanka Dalsan ee duleedka Kismaayo oo laga hirgaliyay Mashaariic Horumarinieed

0
711

Wafdi uu horkacayo guddoomiyaha Degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf Tima Jilic ayaa kormeer shaqo ku tagay degaanka Dalsan oo qiyaastii 25 KM u jirta magaalada Kismaayo,Wafdigan ayaa u kuur galayay xaaladaha  Nololeed ee deegaanka.

Guddoomiyaha ayaa socod dheer ku dhaxmaray Tuulada isagoona dadka deegaanka ka xog wareysanayay xaaladda dadkaasi ku sugan yihiin.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo ayaa kormeerka kadib dhagax dhigay Isbitaal iyo Iskuul cusub kuwaas oo laga hirgalin doono deegaanka Dalsan.

Hey’adaha ka howl gala magaalada Kismaayo iyo dowlad goboleedka Jubbaland ayuu si gaar ah ugu booriyay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhismaha mashaariicdan.

Dhanka kale Odayaasha dhaqanka Deegaanka Dalsan ayaa ka mahad celiyay sida wanaagsan ee ay dowladdu u garab taagantahay iyagoona ka codsaday in ladaboolo baahiyaha gaarka ah ee ka jira deegaanka gaar ahaan Biyaha iyo Caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here