Mashruuc Cilmi-Baaris ah oo laga daahfurey magaalada Kismaayo

0
366

Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta daahfurey Mashruuc Cilmi-Baaris ah kaas oo uu soo qaban qaabiyay Machadka Cilmi-Baarista iyo Siyaasadda ee Heritage,Waxaana Munaasabadda ka qeyb qadanayay madax ka socotey Jaamacadaha City University, Kismaayo University iyo Machadka Somali Stability Fund.

Dood dheer oo Su,aalo lagu weydinayay Wasiiro ka tirsan dowlad-goboledka Jubbaland ayaa halkaasi lagu qabtay,Agaasimaha fulinta ee Machadka Heritage ayaa sheegay in Mashruucaan Cilmi-Baarista uu socon doono muddo Hal Sano ah islamarkaana lagu soo celin doono bulshada si loo ogaado in uu mira dhalay fikirkii laga soo aruuriyo Bulshada qeybaheeda kala duwan .

Madaxweyne ku xigeen Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo barnaamijkaan daah furay ayaa bogaadiyay howsha ay hayaan Machadka Heritage iyo Jaamacadaha dalka,waxaa uuna sheegay in ay muhiim tahay in dadka la maalgashado oo dhanka Aqoonta loo maalgashado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here