Madaxweynaha Jubbaland oo socod dheer ku marey waddooyinka degmada Afmadow

0
320

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kormeer kusoo maray Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose isagoo la shaaheeyay qaar kamid ah Bulshada Magaalada kana dukaamaystay mid kamid ah goobaha Ganacsiga.

Madaxweynaha inta uu kormeerka ku jiray waxaa uu la kulmayay qaar kamid ah Bulshada noocyadeeda kala duwan ee Degmada kuwaas oo aad ugu faraxsanaa kormeerka uu Madaxweynahu ugu yimid.

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa qaar kamid ah dadka Magaalada oo uu la kulmay ka dhagaystay aragtiyadooda ay ku biirinayaan horay u socodka Jubbaland iyo figradahooda isagoo aad usoo dhaweeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here