Madaxweyne Deni oo Kulankii ugu horeeyay la qaatay Wasiirada Puntland

0
434

Madaxwaynaha cusub ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta wuxuu shir gudoomiyay kulankii ugu horeeyay wasiirada dowlad goboleedkaan.

Kulankaan oo uu qayb ka ahaa Madaxwaynihii hore ee maamulkaan, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo badan oo khuseeya amniga degaanada Puntland,Siyaasadda iyo waliba dib u u heshiisiinta.

Madaxwayne ku xigeenka cusub, Axmed Karaash, iyo ku xigeenkii hore,  Cabdixakiin Camey, ayaa kamid ah madaxdii Shirka Todobaadlaha ah ee Wasiirada Puntland kasoo muuqatay.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo kulanka ka hadlay ayaa ka dalbaday wasiiradda inay la shaqeeyaan Madaxwaynaha cusub inta laga soo magacaabayo Golle iyaga bedalaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here