Howl gallo dad lagu soo qab qabtay oo xaley laga fuliyay magaalada Baladweyn

0
330

Wararka naga soo gaaraya xarunta gobolka Hiiiraan ayaa sheegaya in habeenimadii xalay Ciidamada ammaanku ay howl gal ballaaran ka sameeyeen qayba ka mid ah xaafadaha magaalada Baladweyne.

Howgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga, loogana hortagi lahaa falalka ammaan dari ee mararka qaar ka dhaca gudaha Magaalada Baladwayn.

Inta la xaqiijiyay 10 ruux  ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay howlgalkaasi, kuwaas oo lagu xiray Saldhigga Baladweyne,waxaana inta badan ciidamadu howl-gallo xooggan ka sameeyaan gudaha iyo nawaaxiga magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here