Kismaayada Casriga ah iyo Kismaayadii hore oo la kala barey

0
719

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay weheliyaan Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda,maamulka degmada,Hay’adda dhulka Jubbaland ayaa maanta daah furay bixinta waddada Garaangarta 1aad {Ring-road} oo ah tan kala barayso Kismaayadii hore iyo Kismaayada Casriga ah.

Kismaayadii hore waxaa ay ka kooban tahay 32km²

Kismaayada Cusub 1 phase-wajigeeda 1aad waa 40  km²

Kismaayadii hore {32km²} waxaa ay u kala baxsan tahay ama u qaybsan tahay

1:31/12/1990 waxaa la degganaa…….6.7 km²

2:31/08/2016 waxay gaartay inta la dhistay ……16.20 km²

3:13/11/2018 waxay gaartay inta la dhistay 23.20 km²

Labo sano gudahood 31/08/2016 ila 31/11/2018 kii waxaa la dagay 7.8 km² waana in ka badan ila 1990 kii intii la degganaa oo ahayd 6.7 km² waxaana sababay amniga iyo kalsoonida shacabku u hayaan dowlad goboleedka Jubbaland,iyadoo dowladdu joojisay dhismaha ila inta laga saarayo Master Planka.

Kismaayada cusub wajiga 1-aad {40 km²} waa magaalada casriga ah,waxaaa loo kala qaybinayaa.

1.   Dhul la dego oo uu Boos kasta lahaanayo jid ugu yaraan 15 M

2.   Dhul u gaar ah Warshadaha

3.   Dhul u gaar ah Jaamacadaha,Cilmi barista iyo Technoolijiyadda casriga ah

4.   Dhul u gaar ah Ciidamada qalabka sida

5.   Dhul u gaar ah Hey’adaha dowladda

6.   Dhul u gaar ah jardiinooyinka iyo meelaga lagu nasto

7.   Dhul u gaar ah Qubuuraha,dabdamiska iyo uruurinta Qashinka

8.   Dhul u gaar ah Xayawaanka {ZOO}

9.   Iyo qaybo kale oo tiro badan

Hiigsiga dowlad goboleedka Jubbaland waa in magaalada Kismaayo ay noqotaa Caasimadda Ganacsiga oo qaadi doonta Shan Malyan oo qof sanadka 2038 hadii ALLAAH idmo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadii daahfurka bixinta waddada Garaangarta 1aad {Ring-road} ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay tahay maagalo ganacsi.

  waxaa xaqiiq ah dhismo xumo badan  baa na heystay oo jid yari ah maanta marka aan eego kismaayadii hore waxaa adag in meydka laga qaado,waana dhul isku raran ah oo ciriiri ah taas baa keentay in shirkad gaar loo leeyahay kula heshiino in ay inoo nashqadeyaan si ay u noqoto magaalo u dhexeysa Ummadda Soomaaliyeed’’

Madaxweynha Jubbaland ayaa  sheegay in Jubbaland u jaheystay horumar iyo ka rumeynta hiigsiga shacabka dowlad goboleedka Jubbaland

Dhulka ayaa gacanta shacabka galay bur-burkii waana dhibatada ugu weyn ee heystada inta badan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Jubbaland ayaa ah meesha kaliya oo ay dowladdu maamusho dhulka iyadoo ku jangoynaysa muhiimada uu leeyahay dhulka iyo sidii ay shacabku ku heli lahaayeem dhul loo siman yahay oo leh sifo sharci.

Guddoomiyaha degmada iyo maamulka Hey’adda dhulka Jubbaland oo munaasabadii maanta ka hadlay ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay hoggaaminta suuban ee maareynta dhulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here