Dhakhaatiirta Amisom oo Gargaar Caafimaad Ka Sameeyay G/ Shabeellaha Hoose

0
157

Dhaqaatiir ka tirsan Millatariga Amisom ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya ayaa gargaar caafimaad ka sameeyay qayba ka ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose,gaar ahaan degmada Qoryooleey iyo deegaanka Ceeljaale.

Dhakhaatiirtaan ayaa deegaanadaas ka fuliyay gar gaar caafimaad oo is kugu jira Daaweyn iyo Baaritaan lacag la,aan ah,waxeyna si gaar ah kormeer caafimaad ugu sameeyeen Xeryaha ay dagan yihiin dadka danyarta ah.

Paul Muhanguzi oo hogaaminayay socdaalka dhaqaatiir ka tirsan ciidamada Amisom ay ku tageen xeryo barakac oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoos ayaa sheegay in ay halkaasi kula kulmeen bukaano la il darnaa xanuuno kala duwan.

Ciidamada Amisom oo qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta midowga Africa ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore gargaar caafimaad ka sameeyay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here