Kulan looga hadlaayey dhismaha waddada isku xirta degmooyinka Luuq iyo Doolow ayaa lagu qabtay degmada Luuq

0
60

Mas`uuliyiin ka tirsan Wasaaradda howlaha guud ee Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa kulan is xog wareysi ah waxay la qaateen maamulka degmada Luuq iyo bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loogu diyaar garoobi lahaa dhisamaha waddada weyn ee u dhaxaysa degmooyinka Luuq iyo Doolow taas oo laga dhisi doono waddo laami ah, kharashka ku baxaaya dhismaha waddadaan ayaa waxaa ku deeqay Bangiga Hormarinta Afrika.

Mas`uuliyiinta wafdiga ah ayaa sheegay in dhismaha waddadaan uu bilaaban doona bisha September ee sanadkaan 2019-ka waxaana lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo sanadka 2023-da.

Xubnahii ka socday bulshada ee kasoo qayb galay kulanka ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada dhismaha waddadaasi, waxayn balan qaadeen in ay la shaqayn doonaan dadka dhismaha fulin doo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here