Magaalada Muqdisho laga manuucay Mootada laba-lugoodka ah

0
232

Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa saacaddihii ugu dambeeyay bilaabay howlgal ballaaran oo ay magaalada Muqdisho uga ururinayaan mootooyinka laba-lugoodka ah.

Saldhigyada degmooyinka ayaa lagu soo aruriyay boqolaal ka mid ah Mootooyinka nooca laba lugoodka ee loo yaqaan Fekon.

Qaar ka mid ah wadayaasha Mootooyinka la xareeyey ayaa Jubbaland TV u sheegay in mootooyinkooda lagu soo aruriyay amar kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ku-xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Tuudax ayaa Jubbaland TV u sheegay in falalka amni darro ee ka dhaca gobolka Banaadir ay qayb ka yihiin mootooyinka fudud ee laba-lugoodka ah taasina ay keentay in magaalada ka ururiyaan mootooyinka noocaas ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here