In ka badan 200 qof oo Kismaayo lagu baray luuqadda dadka maqalku ka maqan yahay

0
260

Tababar lagu baranaayey luuqadda lagula hadlo dadka maqalku ka maqan yahay ayaa lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Kismaayo.

Tababarkaan oo socday muddo 20 cisho ayaa waxaa ka faa’iideystay dad gaaraya ilaa 200 oo ruux, waxaana soo qaban qaabisay jaamacadda Kismaayo.

Luuqadda dadka qaba baahiyaha gaarka ah gaar ahaana kuwa uu maqalku ka maqan yahay ayaa ah mid muhiim u ah xiriirka dadkaas iyo bulshada.

Magaalada Kismaayo waxaa ku nool tobanaan qof oo maqalka naafo ka ah, inta badan dadkaasi ma helaan cid la hadasha oo fahanta baahiyahooda, taasina waxay keentay in Jaamacadda Kismaayo ay qabato tababarkaan.

Marka laga hadlo dhanka adeegyada aas-aasiga ah dadka maqalku ka maqan yahay ma helaan xuquuqiyaadka ay kamidka yihiin waxbarashada, caafimaadka iyo daryeelka guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here