Kenya oo dadka Soomaali ah u xir-xirtay weerarkii Nairobi

0
281

Maxkamad ku taalla magaalladda Nairobi ayaa amartay in muddo 30-maalmood la sii hayo Yacquub Ciise Axmed oo ay Maxkamaddu sheegtay in ay suurtagal tahay inuu xiriir la lahaa  Cali Saalim Gijunge oo ka mid ahaa  Dagaalamayaashii Al-Shabaab ee  fuliyey weerarkii bartamihii bishii hore lagu qaaday Hotelka Dusit ee Nairobi

Sidoo kale Maxkamaddu waxay amartay in muddo 21 maalmood xabsiga lagu sii hayo 5 Eedeysane oo laga soo qabtay degmada Mandheera, kuwaasi oo magacyadooda lagu kale sheegay, Maxamed Xasan, Xassan Sheekh, Mire C/llaahi, Cali Isaaq Axmed iyo Yuusuf Mowliid Xamed dhamaan dadkaan ayaa lagu eedeeyey in ay u fududeeyeen xaaska Cali Saalim Gijunge oo lagu magacaabo Fiyolet Kemunto in ay u soo gudubto gudaha Soomaaliya ka hor weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here