Maraykanka oo war kasoo saaray weerarro ka dhacay Koonfurta Soomaaliya

0
301

War kasoo baxay Taliska Mareykanka ee qaaradda Africa ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya, waxaana Mareykanka uu sheegay in uu Al-shabaab gaarsiiyay hhasaare baaxad leh

Warka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Maraykanka oo kaashanaya kuwa Soomaaliya ay bartilmaameedsadeen deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka, islamarkaana lagu burburiyay gaadiid iyo goobo muhiim ah oo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here