Ciidamada Dowlad-gobaleedka Jubbaland oo bur-buriyey goob ay isku urursanayeen maleyshiyaadka Al-shabaab

0
240

Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa ahayd aga gaarka buunda Araare ee gobalka Jubbada hoose, ayaa khasaare baaxad leh lagu gaarsiiyey kooxda Al-shabab.

Ciidamada Jubbaland oo hayey xogta Al-shabaab ayaa weerarka ku qaaday goob ay isku urursanayeen malayshiyaad la qorsheynaayeen in ay weerar ku qaadaan fariisimada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka.

Weerarka waxaa lagu dillay 3 ka mid ah kooxda Al-shabaab,iyadoo weerarkaasi kaddib ay diyaaradaha wax duqeeya ee saaxiibada Jubbaland dhulka la simeen goob kale oo ay isku urursadeen firxadka malayshiyaadka halkaasi oo lagu dilay 3 dagaalame.

Sarkiisha Ciidamada Jubbaland waxay u sheegeen saxaafadda in uusan wax khasaare ah soo gaarin ciidamada Jubbaland ee howlgaladaasi fuliyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here