Howlgallo xoog leh oo si xiriir ah uga socda magaalada Bossaso

0
217

48-dii saac ee lasoo dhaafay magaalada Bossaso waxaa si xiriir ah uga socday howlgallo ay wadaan ciidamada Booliska Puntland

Howlgaladaan oo lagu xaqiijinaayo nabadgelyada ayey ciidamadu ka fulinayaanwaddooyinka iyo xaafadaha magaalada Bossaso.

Dad u badan dhalinyaro looga shakiyey ku lug lahaanshaha falalka amni darro ee ka dhacaayey magaalada ayaa lagu soo qab qabtay howlgalada oo ay ciidamadu sameeyaan habeen iyo maalinba.

Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse oo dhowaan la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ciidamada amnigu ay samaynayaan howlgallo lagu beegsanaayo kooxaha falalka amni darro ka geystay magaalada Bossaso.

Bossaso muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa ka dhacaayey dilal qorsheysan oo ay masuuliyadooda sheegteen kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here