Taliyaha Ciidanka AFRICOM oo ku taliyey in Al-shabaab lagala dagaalamo dhulka

0
148

Taliska ciidamada Maraykanka ee ka hawlgalla Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaa ku taliyey dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab aan lagu soo koobin duqayn oo keliya.

Taliyaha AFRICOM, Jeneraal Thomas Waldhauser ayaa ku taliyey in la bilaabo howlgallo saf ballaaran oo laga sameeyo dhulka.

Ciidamada Soomaalida ayuu sheegay in ay waajib ku tahay sameynta howlgallo dhulka ah si loo bur buriyo awoodda kooxda Al-shabaab

Jeneraal Thomas Waldhauser wuxuu sheegay in ay bog cusub u furayso haddii ciidamada Soomaalida loo diyaariyo sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen masuuliyadda xaqiijinta nabadgelyada Soomaaliya.

Wuxuu shaki geliyey sida ay dhaqso looga guulaysanaayo iyada oo Shabaab lagala dagaalamaayo circa oo keliya, duqaymaha circa oo hadda khasaare baaxad leh u geysta Al-shabaab ayuu ku taliyey in lagu daro howlgalka dhulka ah oo ay sameeyaan ciidamada Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here