ONLF oo Somali State la saxiixatay hashiis hub ka dhigis ah

0
348

Heshiiska ay wada saxiixdeen Jabhada ONLF iyo Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa dhigaaya in dagaalyahanada Jabhada lagu sameeyo hub ka dhigis.

ONLF ayaa hadda xubin muhiim ah is-badalka ka hana qaaday deegaanka Soomaalida kaas oo sababay in siyasadda dhankeeda ay wax badan iska badalaan.

Itoobiya ayaa hadda ka hor waxay u aqoonsaneed ONLF Jabhad argagixiso ah, waxaana Baarlamaanka Itoobiya ay 5-tii bishii July ee sanadkii tagay liiska argagaxisada ka saareen ONLF.

Wixii intaasi ka dambeeyay waxaa bilowday wax loo arkay is-bedel siyaasadeed, waxaana Jigjiga ku laabtay saraakiil iyo ciidamo badan oo ONLF ka tirsan.

Ugu dambeyntiina waxa ay saraakiisha u sareysa ONLF iyo madaxa Dowladda deegaanka ku wada heshiiyeen in ciidamada ONLF laga dhigo hubka ayna ka mid noqdaan ciidamda deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here