Xiisad Siyaasadeed oo Ka Dhex Tolatay Hindiya Iyo Shiinaha

0
151

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa cambaareysay booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi uu ku tagay magaalada xuduudaha labadan dal udhaxaysa ee Arunachal Pradesh.

War saxaafadeed ay soo saartay Sabtidii, wasaaraddu waxay sheegtay in “si toos ah looga soo horjeedo” hawlaha hoggaamiyayaasha India ka wadaan gobolka.

Booqashada Modi ayaa qayb ka ah kulamo dadweyne ah oo ka dhacay gobolka oo uu oga golleeyahay in uu taageero uhelo xisbigiisa Bharatiya Janata Party (BJP) kahor doorashooyinka dalkaas ka dhici doona May.

Inkastoo dadaalada dhawaan loogu jiray sidii lagu xoojin lahaa xidhiidhka labadan dal udhaxeeya, khilaafyada ka taagan xudduudda buuraleeyda ah ee udhaxaysa labadan dal taas oo sabatay dagaalkii 1962 dhax maray Shiinaha iyo Hindiya ayaa wali ah arrin xasaasi ah.

Afhayeenka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa sheegay in Arunachal Pradesh ay “qayb muhiim ah oo aan laga saari karin Hindita tahay” isaga oo ka jawaabaya hadalkan shiinaha ka soo yeedhay.

Labadan dal ayaa dhawaanadan dadaal ugu jiray sidii ay usoo celin lahaayeen kalsoonida udhaxaysa kadib markii is hor joogsi hub la isku handaday dhax maray kaas oo ka dhashay xuduuda buuraha Himalayas ee u dhaxeeya labadan dal.

Madaxwaynayaasha labadan dal ayaa dhawr mar kulmay si ay uwanaajiyaan xidhiidhka udhaxeeya hasayeeshee masuuliyiin Hindi ah ayaa sheegay in natiijada ka dhalatay heshiiskan xawaareheedu aad uhooseeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here