Trump oo Ilhaan Cumar ugu baaqay in ay is-casisho

0
535

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku biiray dadka sida xun u cambaareeyey hadalkii Xildhibaan Ilhaan Cumar ee Yuhuudka nacaybka lagu sheegay ayaa ku baaqay in Ilhaan Cumar ay iska cashiso Xildhibaanada Congresska dalka Maraykanka

“Yuhuud Naceybku meelna kuma laha Congresska dalka Maraykanka, ”ayuu yiri Madaxweyne Trump oo isaga laftiisa hore loogu eedeeyay hadalo qadaf ku ah isirka iyo dadka laga tirada badan yahay.

“Waa in ay iska casishaa Kongresska amaba hubaal guddiga arrimaha dibada oo ay xubinta ka tahay,”ayuu yiri Trump oo ku tilmaamay cudurdaarka ay ka bixisay hadaladeeda Ilhan Cumar in uu yahay mid daciif ah.

“Waxa ay sheegtay waxa uu kaga yaalaa gunta hoose ee qalbigeeda, cudurdaarkeedana waa mid daciif ah oo aysan daacad ka ahayn, ”ayuu sii raaciyay Donald Trump.

Ilhan Cumar oo ah gabar asalkeedu Soomaali yahay kana mid ah Congresska dalka Maraykanka ayaa eedeyn kala kulantay xisbiga Dimuqraadiga iyo Jamhuurigaba kadib markii ay sheegtay in ururka Aipac oo ah guddi u qaabilsan arrimaha Yuhuuda Maraykanka uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here