Xaalad ka soo cusboonaatey gobolka Kaashmiir iyo Hindiya oo heegan galisey Ciidamadeeda

0
313

Dowladda dalka Hindiya ayaa Wacad ku martey in ay ka aar gudan doonto weerar Ismiidaamin ah oo khamiistii ina dhaaftey lagu qaadey Ciidamada Hindiya ee ku sugan gobolka Kaashmiir ee ay ku muransan yihiin dalka Hindiya iyo Pakistan.

42- ka mid ah Ciidanka dalka Hindiya ayaa ku geeryoodey Weerar lala beegsadey Ciidamada Hindiya gobolka Khaashmiir Waxaana ay arintaasi  Xaalad kacsan ka abuurtey gobolka Khaashmiir.

Mas`uuliyadda Weerarka waxaa sheegtey koox Islaamiin ah oo fadhigoodu yahay dalka Pakistaan oo lagu Magcaabo  Jaish e Mohamed (JeM).

Ra’iisalwasaaraha Hindiya ayaa Pakistaan ugu baaqey in ay wax ka qabato kooxda weerarka geysatay hadii kale ay Hindiya qaadi doonto talaabo aargoosi ah.

Dalka Hindiya ayaa lagu soo Waramayaa in uu Ciidamo badan oo soo dhoobey gobolka Khaashmiir dhinaca Hindiya maamusho, Waxaana ay cabsi Xoogani lasoo deristay dadka ku nool gobolka Khaashmiir gaar ahaan Muslimiinta ku nool dhinaca Hindiya maamusho.

Arday Khaashmiiriyiin ah oo waxbarsho u joogo qeybo kale oo dalka Hindiya ah ayaa Sheegaya in hanjabaado loo geystay kadib weerarkii Khamiistii ka dhacey gobolka Khaashmiir.

Khaashmiir waa Gobol ay ku muransan yihiin dalalka Hindiya iyo Pakistaan Waxaana Gobolka oo labo dhinac u kala go’aan dhinac Dowladda Hindiya ayaa maamusha dhinaca kalana tan Pakistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here