Ciidamada Jubbaland oo howlgallo ka sameeyey deegaanada dhaca galbeed J/Hoose

0
273

Ciidamada Daraawiishta Dowlad goboleedka Jubbaland gaar ahaan kuwa ku sugan Jaziiradaha hoostaga degmada Badhaadhe ee ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay halkaasi ka sameeyeen howlgalo lagu xaqiijinaayo amniga deegaanadaasi.

Deegaanada howlgalada laga sameeyay waxaa kamid ah Kudhaa, Jasiiradaha Jawaay, Kooyaame, deegaanka Istanbuul iyo deegaanno kale, howlgalada waxaa looga gol lahaa sidii loo xaqiijin lahaa xaaladaha amni ee deegaanadaasi.

Saraakiisha amniga ee deegaanada uu howlgalka ka dhacay oo aan khadka taleefaanka kula xiriirnay ayaa waxay noo xaqiijiyeen in ay adkeynayaan xaaladaha amni ee deegaanada u badan jasiiradaha ee hoostaga degmada Badhaadhe

Sanadkii 2017 ayey ahayd markii koox ka tirsan kooxda Al-shabaab khasaare baaxad leh loo gaystay kaddib markii ay isku dayeen in ay xilli habeen ah dhuumasho ku galaan deegaanka Kudhaa waqtigaas oo ay ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay sii hayeen xogta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here