Makiinadaha lagu shiido saliid macsarada oo kusoo badanaya Kismaayo

0
298

Saliidda Macsarada oo kamid ah laga sameeyo dalagyada kasoo go’a beeraha dalka ayaa siweyn looga isticmaalaa inta badan gobolada dalka.

Sida ay sheegeen Takhaatiirta caafimaadka saliid macsaraddu way ka caafimaad badan tahay saliidaha kale ee laga keeno dalka dibaddiisa, waana tan keentay in saa’id loo isticmaalo.

Way ka qiimo jaban tahay saliidaha kale, waana saliid dabiici ah oo dalka laga helo, helitaankeedu qaar badan oo bulshada kamid ah ayuu u sahlan yahay.

Magaalada Kismaayo ee xarunta dhaqaalaha Jubbaland muddooyinkaan dambe waxaa kusoo badanaya xarumaha lagu shiiddo saliidda macsarada, maadaama uu ku badan yahay isticmaalkeeda.

Abuukar Maxamed Axmed iyo Cali Cartan Bulshaale waxay ka shaqeeyaan makiinadaha soo saara saliid macsarada, waxayna sharaxaad ka bixinayaan qaabka ay u shiidaan saliid macsarada iyo isticmaalka bulshada.

“Aad ayuu u sareeya isticmaalka bulshada ee macsarada, taas waxaa keenaaya dadka oo fahmay muhiimadeeda iyo waxtarkeeda”, sidaas waxaa yiri Abuukar Maxamed Axmed.

“Markii hore magaalada dhan waxaa lagu shiidi jiay hal meel, laakiin hadda waxaa la furay ilaa 3 meel oo kale, waa shaqo fiican, macsaradu waa saliid caafimaad wanaagsan leh” ayuu yiri Cali Cartan Bulshaale oo kamid ah dadka ka shaqeeya makiinadaha lagu shiido macsarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here