Magaalada Kismaayo oo laga daahfuri doono Tartanka Kubadda Koleyga

0
299

Guddoomiyaha gudiga Olympikada Jubbaland Cumar Maxamed Yuusuf iyo Agaasimaha Wasaaradda dhalinayrada iyo ciyaaraha Jubbaland Cabdiraxman Cabdi Axmed  ayaa daah furay tababar loo qabtay kooxda Kubadda Koleyga Jubbaland.

Magaalada Kismaayo waxaa  ku sugnaa maalmihii danbe Koox kubadda Kolayga Ciyaarta kuwaas oo ka yimid magaalada Muqdisho,kooxdan ayaa ka qayb qaadan doona Ciyaaro lagu qaban doono gudaha magaalada Kismaayo.

Maanta ayaa loo furay Tababar koox gabdho ah oo ciyaara kubadda Kolayga kana dhisan magaalada Kismayo  kuwas oo gaaraya illa 30 gabdhood oo ka qayb gali gali doona tartanka kubadda Koleyga.

Kubadda Kolayga ayaa ah astaan aad u xiisa galisa gabdhaha inay ciyaaran waxayna  marar badan ka qayb qaateen horyaalada ka jira dalka iyo dibadiisaba.

Kooxda kubadda Kolleyga ee ka dhisan magaalada Kismaayo ayaa isku howlaya sidii ay natiijo wanaagsan uga keeni lahaayeen kulamada ay isku arki doonaan kooxda ka socota caasimadda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here